|
|
Xildhibaan Jini Boqor "Kismaayo waxa qabsaday waaba Soomaaliyee, Laakiin Soomaaliya oo dhan waxaa heysata Ethiopia.
|
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid (Jini Boqor) ayaa si kulul uga hadlay Qorshaha Dowladda Federaalka ku dooneyso inay ku qabsato Magaala Xeebeedka Kismaayo, isagoo sheegay in Kismaayo ay qabsadeen dad soomaali ah dad soomaaliyedna laga qabsaday.
|
|
|
Wafuud ay kala hogaaminayaan Labada Shariif oo Magaalada Nairobi wada hadalo kula leh Diblomaasiyiin Beesha Caalamka ah
|
Wafdi Ballaaran oo ka socda Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka Jabuuti, isla markaana ay horkacayaan Labada Shariif ayaa la sheegayaa in ay wada hadalo kula leeyihiin Diblomaasiyiin ka socoto Beesha Caalamka kuwaasi oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
|
|
|
Mas'uuliyiinta Maxkamadaha iyo Odayaasha Dhaqanka G/Sh/Dhexe oo kulan ka yeeshay sidii Maamul loogu sameyn lahaa Gobolka
|
Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ee gacanta ku haaya Deegaanada Gobolka Sh/Dhexe iyo Odayaasha, waxgaradka ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa markii u horeysay kulan ka yeeshay arrimaha Gobolka, iyagoona ka wada hadlay suurta gelnimada sidii maamul loogu sameyn lahaa Gobolka Shabellaha Dhexe.
|
|
|
Dagaal faraha looga gubtay oo waabarigii saaka ka dhacay Wadada dheer ee Warshadaha.
|
Daryanka Madaafiicda iyo Rasaasta kala duwan ayaa ahaa kuwo mar kaliya dadka Muqdisho hurdada ka toosiyay, xilli maanta ay u aheyd Maalintii 1aad ee Soonka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
|
|
|
Markii u horeysay oo maanta Guud ahaan dalka Soomaaliya si aan khilaaf ku jirin looga soomay (Warbixin)
|
Inta badan Dalka Soomaaliya ayaa maanta looga Soomay si isku mid ah, iyadoona qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya laga arkay Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
|
|
|
Meles Zenawi oo sheegay inay ka go'an tahay in Ciidamiisa uu la baxo, xataa hadii ay tabar daran tahay Dowladda Kmg
|
Ra'iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia Atto Meles Zenawi ayaa ka dhawaajiyay inuu socdo qorshe lagu diyaarinayo sidii Ciidamadiisa uu ugala bixi lahaa Gudaha Soomaaliya, kadib markii Ciidamadiisa ay ku riiqmeen Dagaalada iyo kacdoonada lagala soo horjeedo.
|
|
|
Maleeshiyaadka Barre Hiiraale iyo kuwa Islaamiyiinta oo isaga baxay gudaha Degmada Baardheere.
|
Xaalada Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa saaka degan kadib xiisado labadii maalmood halkaas ka taagnaa, degenaanshaha Magaalada ayaa timid markii ay si wada jir ah halkaas uga baxeen Maleeshiyaadkii uu watay Xildhibaan Barre Hiiraale iyo kuwa Islaamiyiinta.
|
|
|
Weerar Hubeysan oo xalay lagu qaaday Hoyga Taliye Kuxigeenka Booliska Degmada Dharkeenley.
|
Kooxo Hubeysan ayaa weerar xoog leh xalay saqdii dhexe ku qaaday Hoyga Taliye Kuxigeenka Booliska Degmada Dharkeenley, iyadoo halkaas uu is rasaaseyn ku dhex maray Ilaaladii taliyaha iyo Kooxihii weerarka geystay.
|
|
|
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo cadeeyay in Magaalada Kismaayo ay isku heystaan Beesha Daarood.
|
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala oo ka hadlayay Kulan Golaha Ammaanka ku yeesheen magaalada New York ayaa soo hadal qaaday xasaradaha ka jira Magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in qabsashada magaalada Kismaayo la xiriirto arrimo dhaqaale.
|
|
|
Madaxweyne Yuusuf, Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Aadan Madoobe oo ka degay Baydhabo.
|
Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Kmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Maalin kadib markii ay Magaalada Addis ababa ee dalkaEthiopia ku soo afjareen khilaaf in muddo ah ka dhaxeeyay Madaxdaas.
|
|
|
Maxamed Dheere oo ku eedeeyay Taliyaha Ciidamada Ethiopia inuu xoog gurigiisa ugu kaxeystay Haweeney Maamulkiisa ka tirsaneyd
|
| Gudoominaya Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa si kulul u weeraray Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ku sugan, wuxuuna cambaareeyay falkii shalay ay Ciidamada Ethiopia ay ku hor istaageen howlihii canshuur uruurinta Maamulka Gobolka Banaadir. |
|
|
|


 
|
Login |
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
|