Recent Articles
Amm. Islaamka: Isku-biiridda Saudi Arabia iyo Bahrain
Waxa jira warar soo baxaya oo sheegay in laga yaabo inay isku biiran Saudi Arabia iyo Bahrain, talaabadaas oo dalka Iran uu ka hadlay. Barnaamijka oo dhameystiran hoosta ka dhageyso. VOA News: Wararka
Malta: Khaxooti Dib u Dejin La Siiyay
Safiirka Cusub ee Mareykanka ee Jaziiradda Malta ayaa shalay soo sagootiyay 27 Muhaajiriin Somali iyo E Eritrean ah oo ku soo jeeday dalkan Mareykanka, ka dib markii ay ka heleen degenaansho ah inay ku noolaadaan Mareykanka. Tan iyo sanadkii 2007dii, ayaa 985 qof oo Khaxooti ah oo ku sugnaa Malta waxaa dib u dejin laga [...]
Ukraine: Soomaali ku Dhibaateysan Xabsiyada Dalkaas
Tiro gaareysa ilaa 80 dumar iyo rag Soomaali ah ayaa ku jira xabsiyada dalka Ukraine, sida ay sheegeena dhibaato badani ka haystaa. Dadkan ayaa sheegay in ay door bidi lahaayeen inay Somalia joogaan inti ay Ukraine iman lahaayeen. Idaacadda VOA ayaa wareystay Mustaf Axmed Maxamed oo ka mid ah dadka xabsiyadaas ku xiran. Wareysi arrintaas [...]
Baydhabo: Arday Jaamacad ka Qalin jabisay
Jaamacaddan oo shan sano ka hor laga furay ayaa Ardaydu ay ku qalin-jabiyeen dimploma-da kalkaaliyaha caafimaadka oo saddex sanadood ah. Ardayda ayaa ka hadlay xiliyada adag ee ay soo mareen intii ay waxbarashada ku guda jireen, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan ilaa ay dhakhaatiir buuxda noqdaan. Waa dufcadii labaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda [...]
Dhaqanka iyo Hiddaha: (Q-110-aad)
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkan waxaad ku maqli doontaan Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May, suugaan uu tiriyay Cabdulaahi Suldaan Tima Cade oo uu kaga hadlayay qabyaalada iyo waxyeelada ay leedahay. Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose. VOA News: Wararka
Hargeisa: 22 Qof oo La Xukumay
Maxkamada Ciidamada Militariga Somaliland ee magaalada hargeisa ayaa maanta Xukuno Dil toogasho iyo Xabsi daayin iskugu jira ku riday 22 qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dad Shacib hubaysan ah oo shalay Subaxnimadii weerar ku qaaday Xero Ciidan oo ku taala Bariga magaalada Hargeisa . Weerarkaasi shalay ayay ku dhinteen 7 qof halka [...]
Nin Loo Qabtay Weeraro Ka Dhacay Mombasa
Wararka ka imaanaya Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerar habeenkii talaadada lagu qaaday goob lagu caweeyo uu ka ahaa dadkii weerarka geystay . Madaxa Boolsika Mathew Iteere ayaa sheegay in qofka la tuhmayo lagu sheegay nin la doon doonayay oo mar walba ka iman jiray xaafadda [...]
Md. Shariif oo Khudbad ka Jeediyey Golaha Ammaanka
Madaxweynaha ayaa difaacay Dastuurka DKMG ee Somalia, khudbad uu maanta ka jeediyey Xarunta Golaha Ammaanka QM ee magaalada New York. Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay wadahadalka DKMG iyo Somaliland. Warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso. VOA News: Wararka
Garowe: Oday-dhaqameed ka Noqday Shirkii Muqdisho
Duubabkan dhaqanka ee ka noqday shirka Muqidsho ayaa sheegay in aanay diidanayn dastuurka, lakiin wax ka beddel doonayaan. Waxa wali muqdisho ku haray qaar ka mid duubabka Puntland oo aan iyagu Muqdisho ka imanin, kuwaas oo wali jooga magaalada Muqdisho. Wareysi arrintaas la xiriira hoota ka dhageyso. VOA News: Wararka
Iska-hor-imaad Hargeysa ka Dhacay
Dabley ayaa weerar ku qaadday xero ciidan oo uu leeyahay ciidanka militariga ee Somaliland iyada oo ay jiraan dhimasho iyo dhaawac. Dadka dhintay waxa ka mid ah xubno ka tirsan ciidanka militariga iyo dadkii dagaalka soo qaaday labadaba. Warbixin iyo wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso. VOA News: Wararka
Recent Comments